Gabadhii Lacagta Madax Furashada ah lagaga Siidaayey Somalia Oo Loogu Hanjabay Muslimnimadeeda.

0

Muqdisho(HNN):-Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa furtay baaritaan ku aadan hanjabaad ka dhan ah Silvia Romano oo ah Haweeney Talyaaniga u dhalatay ee Afduubka loogu haystay Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Waxay ka shaqeyneysay arrimaha gargaarka, waxaana sannadkii 2018-kii laga afduubtay gudaha waddanka Kenya. Silvia waxaa dib loogu celiyay dalkeeda ka dib markii laga sii daayay kooxdii haysatay.

Sidoo kale wakaaladda ANSA waxay sheegtay in Silvia Romano ay ku biirtay diinta ayna la baxday magaca “Caaisha”.

Waxay la kulantay naceyb lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu eedeeyay “in aysan weji xumeyn ururka Al-Shabaab iyo in ay qaadatay diinta Islaamka”, sida ay xustay ANSA.

Xubnaha ka tirsan xisbiyada midigta fog ee Talyaaniga ayaa bilaabay olole ka dhan ah gabadhan oo naceyb abuuri kara sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Siyaasi ka soo jeeda gobolka Treviso ayaa barta Facebook soo dhigay muuqaal uu ku sheegayo in Silvia (Caaisha) Romano la dal dalo, waxaana markiiba Facebook laga saaray muuqaalkaas.

Muuqaalkaas waxaa wehliyay ereyo “xadgudub ah” oo ka dhan ahaa “Caa’isha” Romano.

Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfur bari ee Kenya. Koox hubeysan ayaa bishii Nofembar ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Silvia Romano oo 25 sano jir ah, waxay Talaadadii iska xirtay barta ay ku leedahay Facebook ka dib markii ay kala kulantay qoraallo lagu aflagaadeynayo oo naceyb ah, sida laga soo xigtay wakaaladda ee dowladda Taliyaaniga ee ANSA.

Ciidammada sirddoonka Talyaaniga ayaa sheegay in soo daynta gabadhaasi ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.

Hooyada dhashay waxay weriyeyaasha ku sugan magaalada Milan u sheegtay: “Maxaad ka fileysaan gabadha? mid ka mid ah qoysaskiina u dira halkaas muddo labo sanno ah, marka waxaan ka dhuursugayaa in uu soo laaban doono isaga oo aan ku biiray diinta islaamka, adeegsada maskaxdiina… waxaan dooneynaa in aan ku noolaano nabad… waxaan u baahanahay nabad,” sida ay tebisay ANSA.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay inaan soo dhoweyno Silbia iyadoo xilligan adag uu dalka ku jiro. Waddanka weligii wuu jirayaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha taliyaaniga Giuseppe Conte..

Silvia Romano, markii ay Rome ka degtay waxaa soo dhoweeyay oo laabta geliyay waalidkeed iyo walaasheed, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda xilli ay qabtay dhar xijaaban.

Silvia Romano markii ay gaartay magaaladii ay ka soo jeeday ee Milan waxay sheegtay in kooxdii afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeen isla markaana ay xushmad u muujiyeen.

“Waxaan la qarxi rabaa farxad hadda. Way adag tahay in la qiyaaso, fadlan ii ogolaada inaan neefsado. Waxaan la taaganahay amakaag iyo farxad, aad ayey iiga tanbateen, wayna qarxi rabaan,” ayuu yiri aabeheed Enzo, oo Axaddii la hadlay warbaahinta sida ay qortay Reuters.

“Waan adkeystay, mana is jilcin”, ayaa la soo xigtay iyadoo dheheysa Silvia, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, oo Sabtidii ku sugnaa meel u dhaw caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Caa’isha” Romano waxa ay sheegtay inay “maskax iyo jir ahaanba,” caafimaad dareemayso.