Madaxweynaha Puthland Oo Maamulka Farmaajo Ku Eedeeyey In ay Somaliland Ka Hurrinayso Colaad La Isaga Horkeenayo Shacabka iyo Dawlada.

0

Garoowe(HNN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha jamhuuriyadda madaxabanaan ee Somaliland.

Waxa uu sidoo kale ku eedeyay inay cadaadis ku saareysa Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaas oo aan u “wanaagsanayn daganaashaha Soomaaliya”.

Deni ayaa eedeyntani jeediyay mar uu wareysi siinayay telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC-da.

”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan”, ayuu yiri Deni.

Mar BBC-du ay madaxweyne Dani weydiisay waxa ay yihiin waxyaabaha dagaalka horseedi kara ee ay dowladda Federaalku waddo ayaa waxa uu yiri, ”Waxaa ka mid ah oonu ognahay in iney gacan dhaafto Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula hadleeyso oo ay dadku ka horkeeneyso dowladda{Somaliland}”

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaadho qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay “wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaas oo aan la isku afgaranin una wanaagsanayn wada noolashaha”.

Deni wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiya waxa ay qorshayaashaasi yihiin. Muran dhuleed ayaa u dhexeeya Puntland iyo Somaliland

”Inaga ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taleedeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

Khilaafka

Waan isku daynay in aan jawaab ka helna dowladda federaalka oo ku aadan eedeyntani, balse wali inooma suraglin.

Khilaaf xooggan ayaa u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo ku aadan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka ,amniga qeybsiga kheyraadka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay hagaajiyaan xiriirkooda kana wada shaqeeyaan hagaajinta amniga iyo dardargelinta qabsoomidda doorasho kalsooni lagu qabi kara oo aan daba marin xilligii loogu talagalay.

.
Deni iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe

Wadahadallada

Madaxweynaha Somaliland, ayaa dhawaan sheegay in Somaliland ay cadow u aragta dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka jeediyay sannad guurada 18-ka May oo ku beegan xilligii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, isla markaana tahay dal madax bannaan.

”Xamar waxaanu u aragnaa cadaw sababtoo ah waxa ay diidan tahay qaranimadeena”.

Waxa uu sheegay in mar walba mowqifkooda yahay mid cad oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in Somaliland ay tahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu raaligelin ka bixiyay tacaddiiyadii uu xukunkii Maxamed Siyaad Barre ka geystay waqooyiga.

Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi
farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa bishii February ku kulmay Itoobiya

Waxaa jiray in wadahallada u dhexeeya labada dhinac oo sanadihii dhawaa ka dhacay dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Jibuuti.

Wadahadallaadaasi ayaa hakad ku yimid dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo labada dhinac uu mdiba kan kale ku eedeynaya dib u dhaca wadahadallada.

Ra”isal wasaaraha Itoobiya, Aby Axmed ayaa bishii Febraayo magaalada Addis Ababa ku kulansiiyay Famraajo iyo Biixi. Wax faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin waxa ay ka wada hadleen.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay sii wadaan wadahadallada.

 

Source-BBC Somali.