Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Iska Baadhaan Xanuunka Covid_19

0

Hargeisa(HNN):-Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Bulshada Ugu Baaqay Inay Iska Baadhaan Xanuunka Covid_19

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa ka hadlay saamaynta uu xanuunka koronuhu ku yeeshay dalka iyo danaha dadweynaha, waxaanu xusay in Xukuumad ahaan mar walba diyaar u yihiin badbaadinta ummadda.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, oo u warramay WargeyskaGeeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Koronuhu Adduunkii buu kala xidhay, oo uu kala xayiray, ee dadkeena waxaa looga baahan yahay inuu qof walba iskii isku xilqaamo, oo uu ku dadaalo inuu naftiisa iyo dadka kaleba uu badbaadiyo, qof kasta oo iska shakiya, waxaa looga baahan yahay inuu is baadho, oo uu goobaha caafimaad la soo xidhiidho, maxaa yeelay haddii uu iska shakiyo, isla-markaana uu qarsado xanuunka khatar buu galinayaa dadka”.

Mar uu ka hadlayey Xukuumad ahaan iyo doorkeeda ku waajahan badbaadinta ummadda ayaa yidhi “Dawladdu waxay diyaar u tahay inay qaado talaabo kasta oo ay kaga hor tagayso faafidda xanuunka koronaha iyo inay badbaadiso dadkeeda, sidaas darteed ayey u dhiirigelinaysaa inay dadku aad u kala fogadaan, waana sababta xitaa keentay inay Shirarka Dawladda si casriya loo qabto, si ay Dawladdu u tusto dadkeeda inay diyaar u tahay inay hormood ka tahay badbaadintooda, markaas dadku aad ha isku ilaaliyaan, oo aad u kala fogadaan, oo ha la qaato wacyigelinta Dawladdu waddo, oo Dadku yaanay ka baqin shaybaadhka ee ha is baadhaan, oo ha badbaadiyaan dadkooda”