“Somaliland Faa,Iido Iyo Khasaare Midkay Ka Dhexli Doontaa Shirka Djibouti?Faallo; Suxufi M, Jawhar.

0

 

Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminyey ayaa saaka oo ku beegnayd maalin Axada taariikhduna tahay 14/6/2020 u anbabaxay Dalka Djibouti oo ay kaga qaybgalyaan anbaqaadka shirka lagaga hadlayo wadahadalada Soomaliland iyo Soomaliya.

Waftiga Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi ayaa loo soo dhaweyey si heer Sare ah inkasta oo qaar ka mid ah,Shacabka Soomaliland walaac ka qabeen ka qaybgalka shirkaasi hadana galinkii danbe ee maanta ayaa la bilaabay gudo galka shirka kaasoo ay ka soo qayb galeen wufuud badan oo kakala socday wadamada Ethiopia, Soomaliya, Soomaliland iyo Dalka Jabuuti oo isagu ah martigaliyaha shirkan ahna dhexdhexadiye (project mediation) iyo Maraykanka iyo waftiyo ka socda midowga Yurub iyo madaxda urur gobeleedka Africa ee Igad.

Hadaba Shacabka iyo Madaxda Soomaliland ayaa isha ku haya shirka Jabuuti ka socda iyo iyo shaqsiyaadka ama madaxda daneeyayaasha ku hawlan dib isku soo celinta midnimada Soomali wayn.

waxana ka mid ah dadka shirka Dabada ka riixayey Dalka Maraykanka Safiirka u qaabilsan Soomaliya Mr Donald Yamamoto, Madaxwayaynaha Djibouti Ismail Cumar Geele iyo Raysalwasare Abiye ahmed Ethiopia (iwm) dhammantood wax ku midaysanyihiin in la isku daro Soomalilad iyo Soomaliya..

Muse Bihi Ka qaybgalka shirka waxyaabaha uu ku guulaytay waxa ka mid ahaa ,in si isku mid ah madaxda dalalka kale loo qaabilo ee shirka imanayay Dalka Jabuuti.

1;In meeqaamka Somaliland la geeyo laba dal oo midoobay 1960 isku mid ahna loo qaabilo isaga iyo farmajo,

Waxana dhacday in dhamaan madaxda shirka tagtay si Meeqaam Sare ah oo isku mid ah ayaa loo qaabilay waxaanay Arintani kor u qaaday mansabka Dawladnimo ee Somaliland.

2;Mar haddii Ethopia iyo Djibouti labadaba daris aynu lanahay hadana red carpet loo wada dhigay madaxweyne Somalilnd, sidaas Ayey ahaandoonta marka dambe ee Muuse Biixi ama Madaxwayne ka dambeeyaa tagayo labadaa meelood, iyo caalamka kaleba sida uu dhigayo protocol ka Caalamka .

3;Wadahadaladii kuwan ka horeeyey waxaa lagu qaban jiray Hotela-da Ankaram Adis Iyo Dubai lakiin shirkan iyo wadahadladan Waxay ahayd madal caalami oo MEDIA COVERAGA badan helay, tasoo u gogol xaadhaysa hada wixii ka dambeeya in aan hoos iyo Hutelada Turkiga dib loogu noqon ee horay loo socdo waxa kale oo Soomaliland ku guulaystay in koox reer somaliland ka soo jeeda oo Somaliya xil ka haysa aanay dhicin in ay soo hor fadhiistaan waftiga uu hogaamiyo Madaxwayne Soomaliland ee shirka Jabuuti ka qayb Galay.

4;Waxa manta lagu heshiiyo, wax ka markhaati ah maraykan,jabuuti iyo ethopia madaxdoodii ugu sarraysay, oo Somalia ka bixin mayso sidii ay horeba uga bixi jireen heshiisyadii hore .

5;Madaxwayne Muuse wuxuu kaxaysatay koox Rug cadaa Reer Sonaliland ah oo RECORD_ koodu caan ku yahay inay si Mintidnimo ah u daafacaan Qarannimada Somaliland.

6;Isagoo Madaxwayne Biixi Muu jiyey Geesinnimo badan oo lagu tuhunsanaa in uu shirka ka dhiiban doono badheedhisiisa,waana laga aqabalay shuruudihiisii ay ka mid ahaayeen,waxa wadahadlaya Soomaaliya Italian iyo Soomaliland BritishProtoctroy taasina way u suurto gashay.

Geesta kale Safiirka maraykanka ee Soomaliya Mr Yammamoto oo isagu ay ka go,antahay Midnimada Soomali wayn ayaa inta badan ka badheedhaya doonistiisa inuu Somaliland mar kale ku celiyo midnimo-Somalia, lamuu gabban ee waxa dood arrintiisa ka soo horjeeda aad uga hadlay oo maqaallo badan ka qoray Mr. Micheal Rubins, oo ah khabiir gaamuray islamarkaana ah, Qoraayada Caalamka ee aad u falanqeeya arrimaha Africa gaar Ahaana geeska Africa.

Micheal Rubins wuxuu maqaalo badan si qoto dheer ugaga hadlay horumerka dhainca walba ah ee soosmlailab gaadhay isagoo dinaca kale banaanka soo dhigay sida uu YAMOMOTO geed dheer iyo geed gaabanba ugu fuulay inuu Somalland curiyaamiyo . Waxana dooda labada nin ee kor ku xusan laga akhriyi karaa qoraaladoda oo faahfaahsan maqaalada tirada badan ee Micheal Rubins ku qoray jaraidada “The hill “ ee kazoo baxda Washington DC, USA.

Yamamoto hada hal sano ayaa u hadhay mudo xileedkiisa waana hawl gabayaa imka wixii ka danbeeya, waxaanu inta badan aad ugu dadlaaya inuu tarrikhdiisa gashado in uu soo afjaray colad Soomaliya yo Somaliland laakin waxba kamuu tarin kooxda al shabaab iyo dawlad goboleedyada sii kala fogaanaya ee ka jira koonfur Somaliya in uu isku soo dhaweeyo oo arintaa mr Yamamoto Wuu ku fashilmay waxanu doonaya meel uu indhaha caalamka ku jeediyo si loo yidhaahdo federalkii Ayuu wadaa Ayuu Waxan u samaynayaa.

Dhinaca kale Safiirka maraykanka ee Soomaliya Yanmamaoto wuxuu aad u jecel yahay oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay, inu farmajo sii ahaado madaxwynaha Somaaliya isagoo dabo gaar ah kale atrinta Farmaajo ,laakin waa Cadawga Somaliland.

Raysalwaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo Maanta ka hadlay shirka ka dhacay Djibouti ayaa carrabka ku adkeeyay “si wada jir ah ayaan uga wada tashan karnaa kheyraadkayaga si aan uga gudubno wareega xun ee saboolnimada iyo rajo-darrada.”

Wuxuuna Madaxweyne Geelle ku ammaanay wada hadalada u dhexeeya labada hoggaamiye ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sida Dib u bilawga wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa tusaale wanaagsan u ah go aanka joogtada ah ee hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal, ”ayuu yidhi. Raysalwasare Abiy Ahmed.

Gabo gobadii: Somaliland guul wayn Ayey ka gaadhay ka qayb galka shirka Djibouti ee wadahadalada Somaliland iyo Soomliya Marka la eego Qodobada kor ku xusan.

Qorre; Suxufi  Maxamuud Xuseen Jaamac.(Jawhar)

Hargaysa Somaliland