Kooxda Macawislayda Oo Dagaal Culus La Galay Alshabaab Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

0

Kooxda Macawislayda Oo Dagaal Culus La Galay Alshabaab Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Xubno ka tirsan Kooxda Macaawiisleey iyo Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhex-maray degaaano ka irsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerareen degaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-hirig oo u dhaw Garoonka Belidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose,halkaas oo ay gacanta ku hayaan Xubno ka tirasn Kooxda Macaawiisleey.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka oo socday saacado badan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,hayeeshee aan loo dhawaan karin halka uu dagaalka ka dhacay.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,balse ay afduubteen Afar Qof oo Shacab ah oo laba kamid ah ay dileen sida uu hadalka u dhigay.

Wararka laga helayo degaannada Yaaqbariweyne iyo Kaba-hirig oo u dhaw Garoonka Belidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay,isla markaana Xubnaha Kooxda Macaawiisleey ay weli ku sugan yihiin degaannadaas