Siyaasi Cabdilaahi Dirawal Oo Ka Hadlay Go,aamadii Kasoo Baxay Shirkii Jabuuti, Madaxwayne Biixna Ku Eedeeyay In Uu Ku Kacay Khiyaamo Qaran.

0

Hargeisa(HNN):-Siyaasi Cabdilaahi Iimaan Dirawal oo xilal kala duwan kasoo Qabtay xukuumadii soo maray Somaliland islamarkaana kamid ah hogaamiyayaashii halgankii lagu xoreeyay jamhuuriyada Somaliland ayaa si adag uga hadlay laba warmurtiyeed ee kasoo baxay shirkii jabuuti iyo qodobada ay xukuumada somailand kusoo sexeexday shirkaasi oo dhaawac ku ah qarannimada jsl

Sidoo kale siyaasi Dirawal ayaa madaxwayne biixi ku eedeeyay khiyaamo qaran in uu ku kacay islamarkaana masiirkii umada uu ku sheegay khalad madbaciyana

Dhanka siyaasi dirawal ayaa sheegay in xukuumada madaxwayne biixi ka danbaysay in laba jeer oo kala danbeeyay lasoo saaro warmurtiyeedkii shirka taasi oo xukumada Somaliland iyadu ka danbaysay qorshahaasi si bulshadu war la,aan ugu soo dhawayso.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN