“Haddii aanu nahay Beesha Habarjeclo Waanu uga Baxaynaa Xisbiga Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi”….Boqor Buurmadow.

0

Hargeisa(HNN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow Oo Ku Nool Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ku dhaliilay qodobo kala duwan kuwaas oo uu sheegay in madaxweynaha ay dhawr jeer kala hadleen cuqaasha iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo boqorku ee habarjeclo.

Qodobada Boqor Buurmadow uu xusey ee uu sida gaarka uga deyriyey ayaa waxaa kamid ah In Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Si gaara cadaadis ugu hayo ganacsatada kasoo jeeda beeshaasi, sidoo kale boqor cismaan buurmadow oo wax laga waydiiyey xidhiidhada somaliland ay la yeelanayso wadamada kala duwan ayaa ku tilmaamay in madaxweynahan jamhuuriyada somaliland muuse biixi cabdi uu ku degdegay arrimaha cilaaqaadka siyaasi ee dalalka Taiwan iyo Masar kuwaas oo uu sheegay in aanu madaxweynuhu  ka fikirin caqabadaha kaga iman kara dawladaha awooda leh ee China iyo Masar.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Waraysigan Oo Dhamaystiran.