Ku Xigeenkii Hore Degmada Wajaale Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimid Ex Gudoomiye Aadan Shiine, Faahfaahina Ka Bixiyey Dayn Ay Wareejiyeen.

0

Wajaale(HNN):-Gudoomiye kuxigeenkii Hore Ee Degmada Tog Wajaale Mursal Nuux Cismaan Ayaa Ka Hadlay Qaabkii Ay Xilka Uwareejiyeen Maalintii Doraad Iyo xaqiiqada daynta ay wareejiyeen ka maamul ahaan.

Sidoo kale Ex gudoomiye Ku xigeen Mursal nuux cismaan ayaa ka Difaacay Ex Gudoomiye xaashi  eedo uu usoo jeediyay Gudoomiyihii uu xilka kala wareegay Eng Aadan Shiine. Taasi oo uu ku sheegay in aanu dayn ku wareejin maamulka dhawaan iyaguna xilka wareejiye islamarkaana eedeeyay gudoomiye xaashi eedahaasi ayaa waxaa gudoomiye xaashi ka difaacay ku xigeenkiisii hore oo isagu labadan gudoomiye ee xilalka ka tagay labada lasoo shaqeeyay, Xogogaalna U ahaa shaqada Degmada ka socotay iyo Midkasta Daynta Uu Wareejiyay.

Isagoo Arimahaasi Ka Hadlayana Wuxu yidhi” Ugu Horay Waxaan halka uga mahad celiyanaa cidkasta oo kasoo qaybgashay xafladii aanu xilka ku wareejinay,  xilka degmada wajaalena waxaan u wareejinay si sharaf leh waxaana goob joog ka ahaa golaha xukuumada iyo ka maamulka gobolka gabiley,

Waxaan Doonayaa in aan halkan  kaga jawaabo eedo gudoomiyihii hore ee degmada wajaale Aadan shiine Uu usoo jeediyay gudoomiyaha Aanu xilka wada wareejinay Xaashi isagoo si qaawan u eedeeyay,

Runtii Anigu labada gudoomiyaba waan la soo shaqeeyay sharafbayna iga mudan yihiin labadu, balse waxaa jawaabtan ugu ka fila saaxiibkay shiine oo isagu si xaqiiqada ka fog u eedeeyay xaashi iyo maamul kayagii xilka wareejiyay isagaana igu kalifay jawaabtan, eedaha aadan shiine waxaan leeyahay horta daynta uu xaashi wareejiyay waa dayn sharci ah xafiiska badhasaabka ayayna taala iyadoo waafaqsan shuruucda maamulka waana mid wixii lagu qabtay ay muuqato oo ay kamid yihiin dhismaha xarunta dawlada hoose iyo mashaariicda aanu  wadnay , mana jirto wax suuqa laga soo qor qoray, reer wajaalena way og yihiin, balse  aadan shiine wakhtigiisii wuxu gudoomiye xaashi kala wareegay xataa daymo aan soo marin sifaha sharciga ah ee maamulku dhigayo isagoo ixtiraam iyo masuuliyad uu qaatay aadana uu is og yahay.

”dhaliisha uu aadan shiine usoo jeediyay xaashi waa filayaa in tahay cadho ka dhalatay wakhtigii uu xilka wareejinayay oo xaashi ka diiday laba gaadhi oo midi tahay cagaf oo uu doonayay in daynta lagu daro kuwaasi oo aan ahayn gaadiid degmada anfacaya aniga iyo aadan ayaana gacantayada ku tijaabinayn, oo wada ogaanay in aanay shaqaynay degmadana anfacay”

Isagoo hadalkiisa sii watana mar uu ka hadlay dhulka iyo eedaha aadanshiine usoo jeediyay maamulkooda wuxu yidhi “Aadan Shiine dhulka Wajaale waxba  kamaan qaadan ayuu ku celceliyay balse taasi waa Af gobaadsiye wuxu gudoomiye xaashi ka joojiyay markii uu xilka kala wareegay ka dib laba baloodh oo guriga madaxtooyada ku dhegen oo ex gudoomiye aadan doonayay in uu ku qaato sifo sharci daro, isagoo qof kale uu ku qortay magaciisa, waxaan filayaa gudoomiye yahaygii hore in waxyaabaha gubayaa ee wakhtigan soo kiciyay ay tahay tabashada danihiisa gaarka ah ee aanay ka ahayn mid uu bulshada udanaynayo”Reer Wajaale Way kala Yaqaanaan Aadan iyo Xaashi iyaga markhaati ka balse anigu oo labada lasoo shaqeeyay waxaan cadaynayaa gudoomiye xaashi in aanu ahayn nin musuq maasuq, waxkasta oo la marmariyaana aanay qabanayn,

“Aadan shiine waxaan leeyahay sxb “maxaa ceebta mooskaaga Taal Magane kuu geeyay” ayuu yidhi gudoomiye kuxigeenkii hore ee wajaale mursal nuux Cismaan

Jawaabka gudoomye kuxigeenkii hore ee wajaale bixiyay ayaa inamaysa kadib markii gudoomiyihii hore

oo uu isagu kuxigeen u ahaa eedo culus ujeediyay gudoomiyihii doraad xilk awareejiyay.