Xoghayaha Guud Gudida Covid 19 Ayaa Ka Jawaabay Eedaymo Uu Gudida covid19 u Soo Jeediyey Afayeeenka Xisbiga Waddani.

0

Hargeisa(GNN):-Eng Xuseen Aadan Cige (Deyr) Oo ah Afhayeenka Guud ee Gudida u Xilsaaran xanuunka corona virus ayaa Waxaa uu Jawaab Waafiya Ka Bixiyey eedaymo raqiisa oo usoo jeediyey Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani barkhad Jaamac Batuun.

Waxaa uu Xoghayaha Gudida Xanuunka Corona Virus uu ku tilmaamay Eedaha  Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ee Waddani Kuwo Aan Sal iyo Raadtoona lahayn,islamarkaana uu Caado ka dhigtay afhayeen barkhad jaamac batuun eedaha dabada furan ee uu marwalba warbaahinta ula soo istaagto Xukuumada iyo madaxda Qaranka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.