Xulka Gobolka Gabiley Oo Ku Badiyey Laba Gool Ciyaar Qurux Badan Oo Dhexmartay Xulka Gobolka Togdheer.

0

Hargeisa(HNN):-Ciyaarta Galabta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa dhexmartay gobolada Togdheer iyo Gabiley, Waxaana ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ay labad kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo ay mid walba dhankooba ku dadaalaysay inay ku guuleysato ciyaartan oo ay u baxdo wareega danbe ee ciyaarta,

Waxaana ciyaartu Haafkii hore ee ciyaarta ku dhamaatay laba gool iyo eber ay ku gacan sareeyeen xulka gobolka Gabiley, nasasho kadib makii ciyaata lagu soo noqday waxaa ciyaar qurux badan soo bandhigay xulka gobolka Togdheer oo wax badan ka bedelay qaab ciyaareedkooda, Ciyaar oo aad u xamaasad badnayd waxaa hal gool keensaday xulka gobolka Togdheer, iyadoo ciyaartu ahayd mid weerar iyo weerar celis ah.

Waxaana Ciyaartu kusoo dhammaatay Laba Gool oo ay ku badiyeen Xulka Gobolka Gabiley Halka ay Xulka Gobolka Togdheerna keensadeen hal gool.

La Soco Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland. iyo Kooxaha isku soo hadhay.