Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Somaliland Oo lagu Arkay Fagaare Siyaasadeed.

0

Burco(HNN):-Sarkaalkan oo kamida saraakiisha ugu sareysa dhinaca nabadsugida Hay’ada Qaranka Somaliland islamarkaana ah Saraakiisha wakhtiga dheer kasoo shaqeyeynayey hay’ada Sirdoonka qaranka somaliland, ayaa bulshada qaar isweydiinayan sababaha keenay in wakhtigan lagu arko madal ama fagaare siyaasadeed.

Cismaan liimo Oo kamida rugcadaaga dhinaca wardoonka qaranka somaliland ayaa dhawaan wiil uu dhalay shaaciyey inuu u taagan yahay Musharaxiinta shaaciyey hankooda siyaasadeed. waxaana madashaasi lagu qabanayey xaflada musharaxa wiilkan uu dhalay sarkaalku oo ay kasoo qaybgaleen salaadiin, cuqaal iyo siyaasiyiin, hal mar lagu arkay isagoo taagan fagaaraha lagu qabtay xaflada sarkaalkan sare ee ka tirsan ciidamada qaranka somaliland.

Arrintan ayaa noqonaysa mid saameyn ku yeelatay sarkaalkan iyo saraakiisha kale ee la mid ah ee ka qab gala xafladaha siyaasiga ee laysugu yimaado, waxaaney sababi kartaa mid khatargalisa amaankiisa, iyo in bulshada badankeedu aqoonsadaan wajigiisa. iyagoo shaqada ay qaranka u  hayaan aaney u saameyn in saraakiisha noocan ahi ay ka xaadiraan madalo noocan oo kale ah.