War Deg-dega-Dhammaanba Duulimaadyadii Diyaaradaha Kasoo Dagi Jiray Garoonka Muqdisho Oo Joojiyey Shaqadii.

0

Muqdisho(HNN):-Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline ayaa hakisay duulimaadyadii ay isuga kala gooshi jirtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul kadib rabshadihii ka dhacay magaalada kadib markii ciidamada dowladda ay weerareen musharaxiin iyo shacab dibad-baxayey..

Qoraal ka soo baxay xafiiska Shirkadda Turkish Airline oo ay heshay Warbaahintu ayaa lagu sheegay in uu baaqday duulimaadyadii diyaaradeed ee magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, iyadoo lagu war-geliyay dhamaan rakaabka in la hakiyay duulimaadka.

Arrintan diyaaradahan hakiyey duulimaadyada ayaa ka danbeysay kadib markii madfac maanta qabsaday goobta civil aviation Madaarka muqdisho ee aadan cadde, 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ay joojiyeen duulimaadkii ay berri oo Sabti ah ku iman lahaayeen Muqdisho. Mana cadda go’aankooda maalmaha xiga Sabtida.

Ilo-wareedyo madax banan oo aan la xidhiidhnay ayaa sheegaya in joojinta duulimaadyada ay timid markii cabsi badan ay soo wajahday, kadib dagaallo 48 saac ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muwdisho.

Xaaladda Caasimadda ayaa maanta oo Jimca ah aad u kacsaneyd kadib iska hor imaad dhex maray dowladda iyo xubnaha Mucaaradka.