Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Maxay ka Wadahadleen?

0
Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, ayaa maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga wadahadleen u diyaargarawga hawlaha doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda oo u muddaysan 31 May 2021.
Qoraal kooban oo ay baahiyeen Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey kulankaas iyo waxa labada dhinac ku wadaageen, waxaanu u dhignaa qoraalku sidatan:-
#KDQ ayaa maanta Kulan la qaatay Safiirka Midawga Yurub & Xubno Xafiiskiisa ka tirsan, kuwaasoo Komishanka kuusoo booqday Xaruntooda Hargeysa. Xubnaha KDQ ayaa Safiirka uga waramay horumarka laga gaadhay Diyaargarawga qabashada Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiiladda & Deegaanada JSL.
Kulanka ayaa ugu dambayntii kusoo idlaaday Is-afgarad buuxa, Iskaashiga & Wada-shaqaynta in la sii xoojiyo.
Safiirka, ayaa KDQ & guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland-ba ku ammaanay dedaalka, midnimada iyo isfahamka ay dhexdooda muujiyeen iyo siday isugu tashadeen uguna guntadeen ka midho-dhalinta hannaanka tisqaadka ah ee Doorashooyinka & Dimoqraadiyadda Somaliland.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalkan Guddiga doorashooyinka Somaliland.
May be an image of 1 person and standing
May be an image of 1 person
May be an image of one or more people and indoor
May be an image of 1 person and indoor