Faallo:-Somalia-Maroodi Ma Daayo Muhashada…. Waxa Qoray Siyaasi Ali Guray.

0

Hargeisa(HNN):-Siyaasiga Mujaahid Cali maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa qormo kooban ka qoray arrimaha siyaasada somalia.

Qoraalka Cali Yuusuf cali Guray ayaa u dhignaa sidan:-

SOMALIA: MAROODI MA DAAYO MUHASHADA
In kasta oo aanay sheegin sida lagu soo afjarayo hadana go’aankii shalay Muqdisho waxa ku jiray “arinta Somaliland in lagu soo afjaro bisha Ogost 2022ka. Markaa arinkii wadahadalka oo laba dhinac ahaa go’aankani meesha wuu ka saarayaa waydiintuna waxay tahay maxay dhinacooda ku bedelayaan? Dadka qaar ayaa markiiba dareen shaki galay oo yidhi waxay dagaal ciidan iyo siyaasadba ah ku soo qaadayaan gobolada Bari ama Sool, Sanaag, iyo Cayn. Taasi macquul maaha waayo marka Somaliland ay leeyihiin waxay ka hadlayaan Somaliland oo isu dhan. Markaa waa laba mid in iyaga laftoodu aanay garanayn waxa ay ka hadlayaan oo ah ta ay u badan tahay. Iyo in ay runta u soo noqonayaan oo ay ogolaan doonaan in afti dadwayne oo Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamku goobjoog u yihiin laga qaado Somaliland. Taas oo markaa ay aqoonsanayaan xaqa ay dadka Somaliland u leeyihiin aayo-ka-tashigooda rejana ka qaba in inta badan ay ku qancin karaan midnimo u dhaanta gooni-isu-taagga. Caqligaasina waynu og nahay oo Muqdisho ma yaalo. Caqliga Muqdisho yaalay ilaa haddana yaal waa “MIDNIMADA SOOMAALIYEED WAA MUQADAS”. Jawaabtu markaa saw maaha ha idiin ahaato idinka. Waxay gebi ahaanba iska Indho tirayaan in 60kii ay wax qaldameen wixii dhacay 31kii sanadoodna loo nisbayn karo wixii qaldamay 1960kii oo mar kasta laga warwareegayay in tabashada reer waqooyiga hoos loo eego ilaa ay gaadhay heer ay gebi ahaanba burburtay qaranimadii ka dhalatay midnimadii aan shuruudda lahayn ee Somaliland ay kula midowday Somalia 1dii July 1960kii. Markaa xaalkoodu waa maroodi ma daayo muhashada oo mayracuu u bartuu muhanayaa. Markaa iska daaya oo yaan dheg loo dhigin balse Somaliland midnimadeeda iyo wadajirkeeda ha xejisato nabadgelyadeedana ha adkaysato