Waxan idin waydiiyo Ciddin Abu Jahal iyo AHN Carmiye Odowaa miyaanay laba nin oo reer Sahal ah uun wada ahayn? W/Q:-Cali Guray.

0

Hargeisa(HNN):-Waxan idin waydiiyo Ciddin Abu Jahal iyo AHN Carmiye Odowaa miyaanay laba nin oo reer Sahal ah uun wada ahayn? Muxuu ku keenay Maayarka Berbera “ anigu waxan ahay musharax Golaha Degaanka ee Reer Sahal codkooda ha i siiyaan oo ha i soo saaraan. Baarlamankana cid inoo sharaxani ma jirto eh waxa siisaan ciddaa kale”. Magac bilaash uma baxo horaa loo yidhi.

Hadda Ina Carmiye Odowaa baa musharax ah oo Baarlamanka u tartamaysa oo nin reer Sahal ah oo musharax ahina jirin ee keligeed reer Sahal ka musharax ah Baarlamanka.
Wiilkan Meeyarka ah horta waa la buunbuuniyay oo waxa la gaadhsiiyay meel marka run loo hadlayo aanu gaadhin. Berbera waa la yaqaan dakhliga ka soo gala keliya cashuurta dekedda . Xadiga ay dhan tahay iyo inta ka gashay mashaariicda horumarinta intii uu ninkani joogay maaha wax isu dhigmi kara iyo wax isu dhaw toona. Lakiin wax baa muuqda marka la barbar dhigo magaalooyinka kale aan muuqan karin oo xaafad Hargeysa ah ayaa ka wayn gebi ahaanba magaalada Berbera dakhliga soo gala Berberena ma soo galo magaalooyinka kale. Anigu sida aan qiyaasayo intan indhaha dadka la tuso waa inta la iskaga jeediyo ee Barbara waa laga noolaaday inta ka noolaatayna Maayarka ayaa kow ka ah, wax badanna wuu isa soo dhaafiyaa hadii kale mar hore ayuu ka shubi lahaa.
Waxa cay ku ah Berbera in la yidhaa cid u dhaami karta Ina Ciddin Abu Jahal ma jirto. Wallaahi Billaahi aniguna waxan qabaa in Sucaad Carmiye Odowaa hadii ay Berbera Meeyar ka noqon lahayd ay uga roonaan lahayd. Waayo laba qof oo marka hore aqoon ahaan isu dhigmi kara maaha oo waa la og yahay waanay ka khibrad badan tahay, ka daacadsan tahay, ka naxariis badan tahay, ka xishmad iyo xishood badan tahay. Waxay boobto iyo waxay xaddana looga biqi maayo. Weliba isaga way ka fariidsan tahay.
Reer Berbera iyo gaar ahaan ardaaga Reer Sahal waxan leeyahay waar yaan loo maqlin Inanta ee siiya codka waa soo saari kartaan isaga iyo iyadaba eh waana ogtihiin oo dhanka ay idinka xigto Sucaad qof nool baa idinka xiga eh. Markaa magaciina iyo magaceenaba kor bay u qaadiye magaxumada inga ilaaliya oo Sucaad Carmiye yaanay inagu dhicin waa inagu ceeb eh.