Ogaada Dhallinyaro inaad Tihiin Keydka ugu Qaalisan ee Dalka. Qore : Xuseen Cali Nuur

0

Qore : Xuseen Cali Nuur

Hargeysa (HNN):-Horumarka dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo isdhexgalka bulsho ee dal, wuxuu ku xidhan yahay guud ahaan dhallinyaradiisa; gaar ahaana intooda waxbaratay ee aqoonta leh.

Waxa la yidhaa in jiritaanka dal halis uu galayo, haddii dhallinyarada aqoonta lihi ay faraha ka qaadaan u danaynta dalkooda iyo dadkoodaba. Dhallinyaronimadu waa shayga ugu qaalisan ee Ilaahay ku manaystay qofka bini’aadamka ah, marka uu siiyey fursad nololeed oo mar qudha noloshiisa soo maraysa.

Fursadaas oo aan mar labaad aan soo maraynin, waxa loo baahan yahay in aan marnaba aan la khasaarinin. Khasaarahaa oo qofka, dalka iyo dadkaba waxyeello weyn u geysan kara.

Si shaygan qaaliga ah looga faa’iidaysto, waxa loo baahan yahay in dhallinyarada loo sameeyo qorshe nololeed hagaya, si ay riyada ay nolosha ka haystaan ugu rumowdo.

Qorshahaasi waa inuu ahaadaa  mid diirrada saaraya xaqiijinta rejada ay mustaqbalkooda ka qabaan. Sidoo kale, qorshuhu waa inuu ahaadaa mid u suurto gelinaya hanashada inay u rumowdo waxay jecel yihiin. Waxase ay taasi u baahan tahay ogaanshaha dhallinyaro ee ah inay leeyihiin awooda waxqabad ee dalka.

Sidoo kale, waa inay ogaadaan inay dhallinyaradu ay tahay awooda koowaad iyo keydka ugu weyn ee ummadi leedahay. Waxana loo baahan yahay in loo diyaariyo dhallinyarada, laguna talogalo agabka iyo hubka ay ku hawlgalayaan.

Waa in loo diyaariyaa  carruurta iyo dhallinyaraduba siday u heli lahaayeen waxbarasho tayaysan oo raabo kasta oo cilmiyeed leh. In waxbarashadooda aanay noqon mid ku lunta dano gaar ahaaneed oo ganacsi ah.

Waxbarashada tayaysani waxay saldhig u noqonaysaa, in dhallinyarada maantu jiilashii ka horreeyey waxay qabteen halkaas ka sii wadaan. Waxay u fududaynaysaa inay waxyaabo cusub ku soo kordhiyaan, iyagoo adeegsanaya aqoonta casriga ah iyo Teknoolajiyadeeda.

Waxay hub u noqonaysaa ilaalinta dhaqankooda, hidahooda isla mar ahaantaana ka ilaalinta dhaqamada shisheeye ee diintooda iyo dadnimadooda waxyeelada ku ah.

Waxa ii muuqata in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ahmiyada iyo mudnaanta siisay dhallinyarada muddada saddexda sannadood ku dhow ee ay maamulka haysay. Ma aha arrin la dafiri karo in waxyaabaha ay u qabatay dhallinyarada muddadaasi ay ka badan tahay muddadii dhawr iyo labaatanka sannadood ahayd ee ka horreysay.

Waxaan leeyahay xoojinta iyo tayeynta shaqo qaran iyo dhaqan gelinta guud ahaan qorshaha horumarinta dalka inay yihiin, kuwo faa’iido weyn u leh dhallinyarada oo ah keydka ugu qaalisan ee waddanka.

Dhallinyaradeenna waxaan xasuusinayaa in taariikhda soo ifbaxa iyo fidinta diinta Islaamka kaalinta ugu weyn  ay dhallinyaradu ka qaadatay. Sidoo kale dhallinyaro ayaa ku lug lahayd isbeddel kasta iyo horumar dal yeesho.

Maanta dhallinyaro waxaad haysataan fursad weyn oo ugub ah, oo aad taariikhda dalkeena ka mid noqon kartaan. Sidaas daraadeed, ha dayicina fursada qaaliga ah ee noloshiina mar qudha soo maraysa.