Ikraan Tahliil ‘oo laga cabsi qabo in loo waayo’ sidii weriye Jamaal Khaashuqji oo kale.

0

Muqdisho(HNN):-Taliye ku xigeenkii hore ee Hey’adda NISA Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa ka hadlay xaaladda Ikraan Tahliil Faarax oo muddo laba asbuuc ah lagu la’yahay magaalada Muqdisho ayada oo hooyadeed Qaali Maxamuud Guhaad ay ku tuhmeyso hay’adda NISA.

Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in uu ka cabsi qabo in Ikraan loo waayo sidii Jamal Khaashuqji, saxafigii reer Sacuudi ee October, 2018-kii lagu khaariyey safaaradda Riyadh ee Istanbul, kaasi oo weli aan la heli meydkiisa.

Taliye ku xigeenki hore ee hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay in Ikraan ay ku maqan tahay gudaha Xabsiga weyn ee Godka Jilacow taasoo ay gacanta ku heyso Hey’adda Sirdoonka Qaranka

“Ikraan Tahliil waa in ay caddaalad heshaa, waxay ku dhex maqan tahay xarunta NISA ee Godka Jilacow. Waxaan cabsi weyn ka qabaa in sidii Jamal khashuqji aysan dib danbe uga soo bixin Godka Jilacow,” ayuu yiri Cabdalla.

Sidoo kale Cabdalla ayaa sheegay inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen in Ikraan la dilay habeenkii 26-ka June. Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto in Ikraan ay ku dhex-maqan tahay xarunta NISA ama la dilay intaba.

Ikraan Tahliil Faarax, oo da’deeda tahay 24-sano jir ah ayaa ehelkeeda ka maqan muddo ka badan 16 maalmood sida ay sheegeen xubnaha ehelkeeda.

Ikraan, oo si dhow ula soo shaqeysay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir AUN, Injineer Yarisow, ayaa la la’yahay tan iyo 26-kii Juun sanadkan aan ku jirno ee 2021-ka, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskeeda oo la hadlay Warbaahinta.

Hooyo Qaali, oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa sheegtay in gabadhan ay xilli habeen ah raacday gaari u diiwaan gashan dowladda oo la yaqaan, gaar ahaan hay’adda NISA. Baabuurka gabadha qaaday ayey sheegtay inuu xilli habeen ah, abaare 8-dii, 26-kii June uu ugu yimid gurigeeda, kadibna Ikraan ay qaadatay Labtop ay ku shaqeyneysay.

Hooyadda Ifraax oo ku dagan dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay heleen muuqaalo CCTV ah oo muujinaya markii ugu dambeysay ee gabadheedu ka baxeyso guriga iyo gaariga lagu sii qaaday.

“Baabuurka wuxuu kasoo galay KM0 iyo Hotel Global dhexdooda, oo ah halka aan degannahay. Intaas dhexdeeda baabuur soo galay waa baabuur la yaqaan, waa baabuur amni ah, waa baabuur gacanka uu soo daayey,” ayey tiri hooyo Qaali.

Hoos ka daawo muuqaalka Hooyo Qaali