Somaliland-Ciidamada Booliska Oo Qabtay Mukhaadaraad Farsamo Qaab heersare ah Loosoo Galinayey Caasimada+Tirada Lacagta lagu Baayacay Ciidankii Qabtay.

0

Hargeisa(HNN):-Ciidamada booliska somaliland ayaa fashiliyey mukhaadaraaad kala duwan oo si farsameysan loo soo galinayey caasimada hargeisa, waxaana jawaano qaad ah gudaha loosoo galiyey noocyo kala duwan oo khamri iyo xashiishad ah iyadoo sidaa lagu soo marin jiray kastamada cashuuraha barriga somaliland oo lagu soo cashuuro qaadka, waxaana qaadka kasoo galka xuduuda dalka itoobiya magaalada wajaale ugu horeyn lagu soo cashuuraa kastamka magaalo ganacsiyeeda wajaale, iyadoo kadib marka uu soo dhaafo haddana dib loogu miisaamo kastamka magaalada kalabaydh oo ah kastamka ugu weyn ee lagu cashuuro qaadka.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland sarreeya guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in Keesas khamri ah lagu soo dhex qariyay jawaanada qaadka, isla markana korka laga saaray qaad si loo moodo in baabuurku qaad kaliya sido.

Taliyaha ayaa sheegay in askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho balse ay iska diideen, iyaga oo aanay qaarkood maalinimadii qadaynin.

Sidoo kale taliyuhu waxa uu daboolka ka qady in dadka ka ganacsada maandooriyaha, ay isticmaala’aan talaabooyin kala duwan oo ay khamriga iyo maandooriyayaasha  ku soo galiyaan gudaha Somaliland.

Khamrigan ayaa dalka lagu soo geliyay hab qarsoodiya, waxaana arrintan faahfaahiyay taliyaha ciidanka booliska Somaliland jeneral  Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale. “Jawaanada idin horyaala ee la moodo in qaad ku jiro, maaha qaad, baabuurtii Qaadka loogu talo galay ayaa lagu soo guray Khamrigii, dushiina Jaad ayaa lagaga soo xidhay, boolisku wuu ogaaday waala soo qabtay hortiina ayaa lagu jeexi waana la arki doonaa, hadba sidii loola dagaalamo maahe nooc kale ayay la soo baxaan.

Lacagtaasi waa saddex kun oo dollar weeyi, kartoonka gaarka u yaala waxa ku jira sideed iyo toban xabo oo kii Quraaradaha waa weynaaya”

Taliyaha ayaa sheegay in askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho balse ay iska diideen, iyaga oo aanay qaarkood maalinimadii qadaynin. “Markii ninkii lagu qabtay gabadhii lahayd saddexda kun ee dollar ayay laba nin oo kale u soo dhiibtay oo ay ku tidhi inamaddii qabtay ee booliska ahaa siiya, oo gaadhiga iyo wiilka ka furfura waana gabadha inta badan Khamriga keenta, xata haddii ay lacagtaasi ku qanciwaayaan in ay gaadhiga lagu wareejiyo oo Nootaayo loogu saxeexo ayay soo fartay nimankii, inamad lacagtaasi diiday midba igu dhaartay in aanu maalintii qadayn shantii galabnimo ayay ahaydo, taasi waxa ay caddaynaysa in ciidamad booliska qiyamkoodu isbaddelay, isna baddeli doono, damiirna leeyahay, dalkooda iyo dadkoodana ay u dhaarsan yihiin kuna talo galeen iyaga oo gaajoonaya waddankooda ka suuliyaan wixii Maandooriye ah”

Taliye Dabagale waxaa uu masuuliyinta kastamad ku wargeliyay in maalin walba Khamri jaad ahaan loo cashuuro, isla markaana ay ka foojignaadan waxanu yidhi. “Qolada Jaadwalayaasha Kastamada oo dhan ayuu soo mara oo qaad ahaan ayaa loo cashuura inta la miisaamo Khamribaana ka buuxa, qolada Jaadwalayaasha ka socon mayso in Qarankan lagu khalkhalgeliyo wax wax kale loo haysto, inta wanaagsan ee aan Jaadkooda waxba lagu soo khaldin ha noo soo sheegaan, maanta Qaad wale oo dhan ayay ceeb ku tahay”