Wadooyin Dhawaan Uu Baneeyey Maayirka Cusubi Xaafada Laynka Bilayska ee Magaalada Hargeisa Kadib Dab Qabsaday Caruuri Ku Dhimatay Oo Dib Loo Xidhay, Xogo Faahfaahsan.

0

Hargeisa(HNN):-Dhawaan Ayay Ahayd markii guri ku dhexyaala Linka bilayska ee Magaalada hargaysa uu dab ka kacay sababay Dhimashada laba Caruur ah iyo khasaare hantiyeed taasi oo markii danbe keentay in Ciidanka dab damisku waayeen wado ay kasoo galaan uu ku shuf Beelay gurigii iyo ubadkii ku jirayba.


Maayarka caasimada oo kamid aha gurmadii xukumada ee goobtan soo gaadhay ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyin xaafada soo galaya oo hore ay qaarkood u xidhaan ganacasato

Dawlada hoose ayaa maalintii labaad olole ugu baxday xaafadan iyadoo afar wado ka furtay xaafada linka bilayska kuwaasi oo loogu talo galay in dadka iyo gaadiidkuba kasoo galaan kana baxaan.

Wadooyinkii ay dawlada hoose ka furtay xaafada ayaa hada waxaa ka socda dhismayaal lagu galinayo albaabada ganjeel ah oo lagu xidhayo,

Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada ayaa ilaa labadii maalmood ee udanbeeyay iswaydiinaysa sobobta keentay mudo dhowr iyo labaatan cisho kadib sababta albaabo loogu xidho wadooynkii laga furay xaafada linka bilayska oo baahi wayn uqabtay meelo ay ka baxaan kana soo galaan iyadoo hore ulahayd hal albaab oo xaafadaha qaar ay ku dheerayd mudada ay usoo soconayan,

Masuuliyiin ugu saraysa dawlada hoose qaarkood oo aan la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in ay iyagu galinayaan albaabada oo ay ku sheegeen inay ka xidhanayaan gaadiid iyo dad baarkin doon ah oo culays ku keenay xaafadan dawlada hoose ee hargaysina ay tahay cida dhismaha ka wada.

Marka laga tago hadal masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada hargaysa ay ku sheegeen in ay iyagu Albaabado galinayaan wadooyinkii ay hore u fureen, hadana wali macada ujeedada keentay in wadooyinkii la furay ee xaafada link bilayska la xidho lana galiyo albaabo ugaarka ah xaafadaha ganjeeladooda dibada lamid ah.

Halka iyadoo ujeedadii loo baneeyay marka hore ahayd in bulshadani ay helaan wado hadii wax dhexdeeda ka dhacaan ay uga soo gurman karaan gadiidka dab damiska iyo kuwa kale ee ciidanamaduba taasi isticmaalkeeda ay ubaahan yihiin boqolaal qoys ee dhex degani linka bilayska iyo gaadiiidka ay wataanba hadaba marka ay dawladii hoose xidho iyadoo cadayd ujeedada ku ka liftay.

Iyadoo ahayd talaabadii u horaysay ee uu qaado maayarka caasimadi cabdikariim axmed mooge maxay tahay sobobta soo deg dejisay in ay durba albaabo aan lagarayn qaab loo isticmaalay in ay ku xidho?

Dadka qaar ayaa iswaydiinaya inuu jiro cadaadis dhinaca xukuumada iyo ganacsada ah ayaa ku yimid.

Isku soo wado duub oo dadwaynaha caasimada ayaa il gaara ku Eegaya Arimaha ka socda xaafada link bilayska iyo sobobta loo xidhay wadooyinkii dawlada hoose Ay ka banaysay xaafada linka bilayska iyadoo aanay mudo bil ahba gaadhin hadana albaabo lagu xidho !

Dhanka kale qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadan iyo kuwo kale ayaa aaminsan in qorshaha lagu xidhayo wadooyinkii laga baneeyay xaafadan uu yahay mid cid gaara loogu danaynayo ismarkaana dawlada hoose ay ku kaliftay in ay xidhaan cadaadis kaga yimid xukuumada sare iyo ganacasato  marka horeba dhismayaal waawayn ka samaysay qaybo kamid ah linka bilaysk horena loogu xidhay wadooyinkan in hadana ay dawlada hoose fulinayso damacoogii.

halka dadka qaar ay talaabada lagu xidhayo wadooyinkii laga banayeeyay xaafada linka bilayska ay ku tilmaameen in ay ku lamaanyihiin arimo gaar ah iyo in xukuumadihii kulmiye ay kaabka linka bilayska ku  hawlan tahay sidii ay uga   iibin lahayd  ganacsatada reer somaliland oo qaarkood damaca kaga jiro dhulkan ay degan yihiin. dadka degana laga dhex raro sidii kuwii horeba looga raray xaafado deganaa wallow aan wali warkaasi la hubin ama aanu cadayn.


Dadwaynaha degan xaafada linka bilayska ayaa tiraba dhowr jeer cabasho ka muujiyay oo la hadlay warbaahinta kana codsaday xukuumada jsl in aan laga xidhin wadooyinka islamarkaana garoonka aan lagu wareejin cid kale oo ay ubadka yaryari ugu ciyaaraan.

Ma jiraan wali xogo faahfaahsan oo la xidhiidha arrinta oo kasoo baxay golaha deegaanka caasimada hargeisa  iyo sababaha keenay in dib loo xidho wadooyin hore loogu furay xaafadan si bulshada ku nooli u helaan wadooyin ay u mari karaan gaadiidka caafimaadka iyo gaadiidka dab demiska haddii ay ku yimaado masiibo lamid ah tii maalintii dhaweyd ka dhacay ee sababtay in waddooyin ay u maraan waayeen bakhtiinta gurigaasi, halkaana ay ku naf waayeen caruur yaryari.

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaag News Network