“Ma Jirto Wax Cabasho ah Oo Ay Nasoo Gaadhsiiyeen Xildhibanada Warbaahinta Ka Hadlayaa Kamanay Soo Xaadirin Kulan Aanu ugu Yeedhnay”..Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Jsl

0

Hargeisa(HNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland ee xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka, arrimaha dawlada hoose C,naasir  Caydiid Maxamed oo maanta kulan isugu yeedhay khilaafka golaha deegaanka degmada gabiley ayaa kadib markii ay soo xaadiriwaayeen xubnihii warbaahinta ka hadlay sheegay in dhinacii maayirka iyo xildhibaano kamid ah golaha deegaanku yimaadeen balse aaney soo gaadhin kooxdii cabashada iyo eedaha warbaahinta marinayey.