Saciid Deni oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntland.

0

Garoowe(HNN):-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla. Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.