Wax Badan Ka Ogow Xadhiga Lagula Kacay Idiris Sayidka Barakaysan Oo Dhawaan Sameeyey Riwaayad Qosol Badan.

0

Hargeisa(HNN):-Shacabka kala duwan ee ku nool daafaha dunida ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay xadhig xukuumad somaliland laamaha amaanku kula kaceen wiil dhalinyar ah oo aad looga yaqaaano baraha bulshada islamarkaana ku magac dheer Sayidka barakaysan oo inta badan muuqaalo koob kooban ka sameeya Nolosha aas-aasiga ah ee bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, dhalinyarta, Garsoorka iyo maxkamadaha iyo Wixii la xidhiidha.

waxaana Xadhiga Jilaagan oo dad badani aad u xiiseeyaan kuna xidhan yihiin habeenkii jimcuhu soo galayey laga qabtay gurigooda oo ku yaala magaalada hargeisa, iyadoo loo haysto majaajilo riwaayad kooban oo siyaabo kala duwan bulshadu uga aragti dhiibteen.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Warkan.