Sadex asbaabood ayaanay marnaba suurta gal u ahayn in xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland hoos tago wasaarada waxbarashada marka sida saxda ah loo fikirayo.

0

Hargeisa(HNN):-Sadex asbaabood ayaanay marnaba suurta gal u ahayn in xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland hoos tago wasaarada waxbarashada marka sida saxda ah loo fikirayo

 

1. Sida ka muuqata magaca xafiiska oo ah (Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka) waxay ku tusaysaa in aanu xafiiskani marnaba hoos tagayn wasaarada waxbarashada, hadii kale waxa la odhan lahaa xifiiska imtixaanaadka wasaarada waxbarashada. Waxanu la mid yahay haayadaha kale ee qaranka,

 

2. Xafiiskan imtixaanaadka qaranku waa xafiiska hubinaya waxqabadka wasaarada waxbarashada eegayana tayada iyo aqoonta ardayda Somaliland, sidaa daraadeed, ayaanu xafiiskani u hoos tagi karayn wasaarada waxbarashada, hadii kale waxay la mid tahay, xafiiska Hanti dhawrka qaranka oo la hoos geeyay wasaarada maaliyada.

 

3. Dunida wadan kastaa wuxu leeyahay gudi la yidhaa Central Examination Board oo ka madax banaan wasaaradaha waxbaraahada. Sidaa dateed keen keenuna kuwaas uunbay la midyihiin.

 

Sidaa darteed maadaama aan ka mid ahay aqoonyahankii dalka, waliba wax ku dhex bartay intii ay Somaliland gaarka u istaagtay, waxanu soo jeedinaynaa in madaxweynuhu xafiiskan cadeeyo in uu ka madaxbanaanyahay wasaarada waxbarashada, si uu u joogsado yooyootankan socdaa maadaama ay soo dhawyihay imtixaanka shahaadiga ahi, sidoo kalana ceeb ayay arintani ku xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Muuse Biixi.