Magaalada Hargeisa oo Maanta Laga Daahfuray Shirkad Dalka Kusoo Kordhisay Dhismayaasha Casriga ah ee G+2.

0

Hargeisa(HNN):- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane C,raxmaan Ismaaciil Saylici ayaa Xadhiga ka jaray Shirkada Dhismayaasha casriga ah ee Vista Real Estate.

Shirkadan oo aqoonyahan reer somaliland ahi dalka ka hirgaliyeen ayaa kusoo kordhinaysa Caasimada hargeisa dhisamayaasha quruxda badan ee la jaanqaadaya kuwa caalamka waxaana Shirkadan oo ay juhdi galiyeen dad aqoon iyo khibarad waayo aragnimo u leh dhismayaasha casriga ahi dalka kusoo kordhinayaan inay bulshada u dhisaan guryaha nashqadihii ugu dambeeyey ee lamida ka ah kuwa dunida iyagoo kuu dhisaya guro isasaar ah oo tayo ahaa iyo bilic ahaanba aad loogu qushuucay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada somaliland oo dhismaha shirkadan Xadhiga ka jaray ayaa ku amaanay muwaadiniinta fikirkan saliimka ah dalka ka hirgaliyey isagoo sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha noocan oo kale ahi ay dalka waxweyn kusoo kordhinayaan kana qayb qaadanayaan bilicda caasimada hargeisa iyo guud ahaan magaalooyinka dalka oo qayb ka noqonaya quruxda dhismayaal aad loogu kalsoon yahay lana jaan qaadaya dunida casriga.

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf tiro badan oo lagu martiqaaday xadhig ka jarka shirkasa vista real estate, iyagoo ku amaanay talaabada horumarineed ee muwaadiniintani dalka kusoo kordhiyeen.

Dhinaca kale Madaxda shirkadan cusub ee dhismayaasha guryaha casriga ee Vista Real Estate ayaa sheegay inay bulshada somaliland kusoo dhaweynayaan hirgalinta guryo qurux badan oo shirkadani u dhisto.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan.