Faahfaahinta Dagaal Qaatay Saacado Badan Oo Ka Dhacay Deegaanka Buq-dharkeyn.

0

Hargeisa(HNN):-FaahfaahintaDagaal Qaatay Saacado Badan Oo Ka Dhacay Deegaanka Buq-dharkeyn.

Dagaal Qaatay saacado badan ayaa saaka ku dhexmaray ciidamada deegaanka buqdharkayn ee ssb iyo kooxaha huwanta ee kasoo duulay gobolka sool, dagaalka oo ku bilaabmay weerar ay salaadii hore kusoo qaadeen kooxahani oo qaatay saacado badan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada qaranka jsl oo gaadhay markii wax yar kadib markii uu bilaamay dagaalku ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha kasoo doolaal3 tagay xarunta gobolka sool.
Waxaaana ciidamda qaranka somaliland halkaasi ay ku qabqabteen maxaabiis tiro badan hub iyo gaadiid dagaal,
Waxaana dagaalka oo ay baacsadeen ciidamada qaranku gaadhsiiyeen ilaa maygaag, xaqiiqada dagaalkan oo kooxaha huwanta ahi maciin bideen inay baraha bulshada umada ku marin habaabiyaan adeegsiga sawiro iyo muuqaalo hore oo ay ku sheegayaan inay qabteen.
War Rasmi ah wali kama soo bixin khasaaraha dhabta ah ee dagaalka balse waxaa ay warar hordhac ahi noo xaqiijiyeen in dagaalka lagu dilay tiroba ilaa lix sarkaal oo hogaaminayey kooxahan huwanta ah ee kusoo duulay dadka deegaanka buqdharkayn.
Ciidamada qaranka somaliland oo mudooyinkii dib ay haysay gacantooda xukuumadu ayaa hadda u muuqda kuwo u jihaystay inay cagta mariyaan kooxaha huwanta ah ee kusoo duulay nabad galyada shacabka gobolka sool.