Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Aan Wali La Shaacin Ugu Baxaya Wadanka Djibouti.

0
Madaxweyneyaasha SOmalland iyo Djabouti

Hadhwadaag(Hargeisa):-Madaxweynaha  Jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa socdaal ugu baxaya wadanka Djibouti Maalinta barito ah haddii eebe ogolaado.

Safarka Madaxweynaha Oo Aaney jirin Wax war ah oo la xidhiidha oo kasoo baxay qasriga madaxtooyada somaliland ayaa hadda waxa jira ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo oo noo xaqiijiyey in madaxweyne biixi maalinta barito ah safar ugu bixi doono dalkaasi djabouti.

Falaqeynta Nuxurka safarkan iyo waxayaabaha ay ka wada hadlidoonaan Madaxweynaha jsl iyo Dhigiisa Djabouti Mudane Ismacil Cumar Geele oo Martiqaad rasmiya u fidiyey ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku sheegeen in ay tahay sii ambo qaadka wadahadaladii u dhexeeyey somaliland iyo somalia oo sanadadii u danbeeyey aad u sii xumaanayey.

Inta La Ogyahay Madaxweynaha Dawlada Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo ayaa Todobaadkii hore sidan oo kale ugu tagay dalka djbouti safar uu martiqaad ka helay madaxweyne ismaciil cumar geele, arrintaasi ayaan ah ta loo badinayo in safarka madaxweyne biixi wakhtigan uu soo dadajiyey.

 

Hadhwadaagnews
London Office.
Hadhwadaagnews@gmail.com