Yaa qalin Jabinaya? Waar yaa Qalin jabinaya ama mehersanayaan ku idhi midbaan digada ka soo dhigayaaye..Laabsalax

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Abwaan Xassan Dhuxul Laabsaalax Ayaa Bartiisa Facebooka ku daabacay Qoraal uu si adag ugaga hadlayo siyaasiyiinta iyo Madax dhaqameedka caadaystay inay isku weeraraan Xafladaha qalijabinaha jaamacadaha iyo Meherada.

Abwaanka Ayaa Ku Bilaabay Sidan:-

waa dhaqan iyo anshax xumo hor leh oo siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedku ay ku soo kordhiyeen xafladaha meherada iyo qalintabinta jaamacadaha, iyagoo adeegsanaya warbaahinta kuwooda ugu liita damiir ahaan iyo aqoon ahaanba-
Xafladaha Qalin Jabinta iyo meheraduna waxay noqdeen Muraayado waawayn oo caqliyada iyo aragtida fashilan ee siyaasiinta iyo Madax dhaqameedka laga daawado
#siyaasi/suldaan – hadii lagu soo casuumay, iyadoo hadoor lagu biddayo, iyadoo hormuud laguu haysto, iyo iyadoo tusaale laguu qabo-
laguuguma soo casuumin in da,yarta, iyo ubaxa, iyo awooda qalbiyadooda farxadu hadhaysay- ee u dabaaldagaya maalintooda farxada, dhagahooda aad ku rushayso- muran iyo yooyootan aad ugu duur xulayso cid aad is haysaan

xafladaha qalinjabinta jaamacada dhiirigalin baa looga baahan yahee dhaleecayn loogama baahna. Bogaadin baa looga baahan yajee been loogama baahna,
waa adeer hanbalyaa looga baahanyee, hirdan iyo hanjabaad loogama baahna

xafladaha meherkana ducaa looga baahan-yahee loogama baahna duris iyo dagaal

dhaqanada hada soo baxay ha ka waantoobaan cida u banbaxday.