Muqdisho-Taliyaha booliska Somalia oo war kasoo saaray Dilkii Almaas Elman Cali Axmed

0

Muqdisho(Hadhwadaag):- Shalay waxaa Gudaha Xerada Xalane oo ay AMISOM gacanta ku heyso lagu dhex-dilay Almaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Somalia ee Kenya, haatana ka tirsaneyd Xafiiska xiriirka & Isgaarsiinta ee Midowga Yurub.

Gaari ay saarneyd ayaa Shalay rasaas lagu furay, waxaana soo gaaray dhaawac markii dambe keenay inay u dhimato, waxaana xusid mudan inaan ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn cidda dishay.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed, ayaa sheegay in ay gal dacwadeed ka fureen laanta dambi baarista ee Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo dilka loo geystay Almaas Elman.

Baaritaanka dilka Almaas oo ka dhacay gudaha xerada Xalane ayuu Taliye Cabdi Xasan Maxamed sheegay in khubarro iyo saraakiil aqoon durugsan u leh baari doonaan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan n Almaas ay ka soo baxday shir ay midowga Yurub ku qabteen Xerada Xalane waxaana ay dooneysay in ay dib ugu laabato Magaalada Nairobi oo ay deganeyd.

Hadhwadaagnews

Muqdisho Somalia.