Waa Kuwee Deegaanada Somaalida ee Laga Cabsida Qabo Inay Saameyso Duufaanta Kusoo Foolka Leh Africa.

0

Nairobi(HNN):-Duufaanta Pawan ayaa la sheegay iney ku soo wajahantahay xeebaha Soomaaliya. Waxaana la soo sheegayaa iney duufaanta maanta oo Sabti ah soo gaari karto deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaanna Eyl.

Shacabka deegaannadaasina waxaa lagula taliyey iney badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan.

Tan iyo xalayna waxaa deegaanno ka mid ah Puntland ka da’aya roobab dabeyla wata iyada oo meela badanna ay is-gaarsiintu ka maqan tahay.

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah meelaha Saamaynta ay roobabkan ku keeneen. oo mudo tobon saac ayay magaaladu korontadu ka maqnayd.

Magaalooyinka uu hada roobku aad uga da’ayo waxaa ka mid ah Magaalada Eyl oo sidoo kale ka mid ah meelaha laga digayo inay duufaantan ku dhufato.

Gudoomiyaha magaaladaasi Muuse Cismaan Yusuf, ayaa sheegay in magaalada Eyl saacadihii ugu dambeeyay ay roobab xooggan ka da’ayeen.

Mr Muuse ayaa BBC sheegay in beero badan ay biyo la tageen islamrkana ay is-gaarsiinta ay deegaanadaasi aad u liidato.

” Xalay ayaa roob nagu bilaabay marba marka ka dambeyso na wuu soo xoogeysanayaa,togana biyo aad u badan ayaa maraya,beerihii waa la tagay,is-gaarsiintana way xuntahay”,ayuu yiri Mr Muuse.

Goobaha ay mari doonto duufaanta

bb
Saamaynta roobabka ee dalalka bariga Afrika
Saamaynta roobabka ee dalalka bariga Afrika

Gudoomiyaha magaaladaasi waa Muuse Cismaan Yusuf, ayaa sheegay in ilaa iyo imika roob oo kali ah uu da’ayo islamarkana aysan jirin wax duufaan ah oo deegaanadaas ku dhuftay.

” Roob oo kali ah ayaa nagu da’aya wax duufaan ah wax dabeyl ah iyo wax qabow ah midna ma laha”,ayuu intaa ku daray Mr Muuse.

Gudoomiyaha magaalada Eyl Muuse Cismaan Yusuf,ayaa sheegay in shacabka deegaanadaasi ay ka war qabaan duufaanada oo ay digniinta soo gaartay,balse ay ka cabsi qabaan in arrintan ay saameyn ku yeelato dadka reer miyga.

” Dadka wacyigalinta way qabaan laakiin aad waxaan uga cabsi qabnaa dadka reer miyga”,ayuu yiri gudoomiyaha degmada Eyl.

Maamulka Puntland ayaa waxaa horey u soo saareen digniin duufaano ku soo wajahan deegaanada maamulkaasi.

Roobabka mahiigaan ayaa ka da’aya guud ahaan dalalka bariga africa sida Uganda,Kenya ,Jabuuti iyo Soomaaliya.

Dhul go’o ka dhacay dalalka Uganda iyo Kenya ayaa waxaa ku dhimatay tiro dad ah halka kumannaan kale ay ku guriya beeleen.

Dalka Kenya waxaa roobabka ku dhintay sida ay sheegtay hay’adda Ocha 120,dalka Soomaaliya waxaa fatahaadaha ku naf waayay 17 qo,halka Jabuuti ay ku dhinteen 9 qof.

Source BBC