Somaliland oo Qisaas dil ah ku fulisay Wiil dhalinyaro ah oo ay shalay Beesha uu kasoo jeeday ay Digniin kasoo saartay

0

Hadhwadaag(Badhan):-Waxaa maanta Xabsiga Madheere  ay Somaliland ku toogtay Alle Ha u Naxariisto Farxaan Mohamed Xasan yare, oo Muddo 10-sanno ah ku xidhaa Xabsiga magaalada Hargeisa.

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha uu kasoo jeedo [Reer Hagar/Dhulbahante] oo maalintii shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa sheegay inaanu Xukunka lagu riday Farxaan ahayn mid cadaalad ah, Waxayna codsadeen in dib loo eego kiiskiisa.

“Waa xaqdaro waa in Somaliland ay ka Fiirsato arintaasi, Dulmi ayuu ku xidhan yahay Ninkaasi, Ma jiro wax dambi ah oo lagu cadeeyay”. ayay dhaheen.

Farxaan ayaa ku eedaysnaa inuu dil Geystay, Wuxuuna dhowaan Muuqaal uu ku Faafiyey Baraha Bulshada ku codsaday in laga bixiyo Lacagta magta ah ee loo haystay.