Askar Ka Tirsan Somaliland oo Maanta Dil iyo Dhaawac Loogu Geystay Ceel-Afweyn.

0

Hadhwadaag(Sanaag):-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegaya in in habeenimadii xalay ee la soo dhaafay askari ka tirsan Booliska Somaliland uu dil iyo dhaawac u geystay askar kale oo ku sugnaa degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaasi.

Falkan ayaa yimid, kadib markii uu askarigaas rasaas khasaare geysatay uu ku furay ciidamo kale oo ka mid ahaa Dawlada Somaliland.

Ugu yaraan hal askari ayaa rasaastaasi ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsanaa ciidamadii ka howlgalayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu goobta ka baxsaday askariga geystay dilka iyo dhaawaca, kaas oo ay hadda ku raad joogaan ciidamada Booliska Somaliland.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in haatan ciidamadu baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada Somaliland ay ka bixiyeen falkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Falalkan Noocan oo kale ee u dhexeeya dilka Ciidamadu uu Ka dhaco Somaliland.