Ugaas Bashiir Cabdi cabdilaahi Oo Si Weyn Ugu Hanbalyeeyey Madaxweynaha Jsl Khudbadii Garnagsiga Ahayd ee Uu Ka Jeediyey jabuuti.

0

Hargeisa(HNN):-Ugaas Bashiir Cabdi Cabdilaahi Oo kamida Madax dhaqameedka reer somaliland ee ku nool dalka dibediisa ayaa Siweyn usoo dhaweeyey shirkii waddahadalka somaliland iyo Somalia uga furmay maalmihii lasoo dhaafay dalka jabuuti.

Waxaana Ugaaska oo kamida dadka sida dhow ula socoday siyaasada Geeska africa gaar ahaan soomaalida ayaa soodhaweeyey wadahadalka shirkaasi uga furmay Somaliland iyo Somalia Jabuuti, Waxaanu si weyn ugu hanbalyeeyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi sidii geesinimada lahayd ee uu uga turjumay shucuurta bulshada somaliland ee uu hogaanka u yahay shaadhkoodana uu huwan yahay.

Ugaaska oo Waraysi Faahfaahsan lala yeeshay ayaa falanqeeeyey arrimahaasi.